Warar dheeraad ah oo laga helaayo Dagaalka iyo Qaraxyada caawa ka socda agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa rasaas xoogan ayaa weli laga maqlayaa Agagaarka Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga.

Inta ay rasaasta socto ayaa waxaa dhacay 2 Qarax oo is xig xigay, midka koowaad ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Nabadsugida ee loo yaqaan Maama Khadiijo, halka Qaraxa labaad uu ka dhacay eeryada Hoteel SYL oo kasoo horjeeda Villa Somalia.

Gaariga ku Qarxay eeryada Hoteel SYL ayaa kasoo baxsaday baaritaanka ay ciidamada Koofi casta kawadaan Sayidka, waxa uuna ku Qarxay eeryada SYL.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Koofi guduuda ay toogteen laba nin oo hubeysan, isla markaana la socday Gaariga Qarxay.

Ciidamo farabadan oo isugu jira Koofi Cas, Nabadsugid  iyo Boolis ayaa buux dhaafiyay inta u dhexeysa Isgooyska Sayidka ilaa Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ciidam Militari ah ayaa dhamaan waddooyinka gala Madaxtooyada buux dhaafiyay iyadoo ay jirto Cabsi xoogan.

Xaalada eeryada Madaxtooyada Somalia ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo uu ku jiro qoriga loo yaqaan (Dhashiikaha).

Sidoo kale, waxaa la maqlayaa guuxa Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta, ilaa haddana si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay rasaasta iyo Qaraxyada dhacaaya.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada cakiran ee caawa taagan ayaa imaanaya iyadoo maalinti shalay ahayd uu Wasiirka Amniga sheegay in magaalada Muqdisho ay ku jiraan Gaadiid Qaraxyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com