Qarax labaad oo ka dhacay meel ku dhow Xarunta Maama Khadiijo & Rasaas xoogan oo caawa ka socta agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax labaad ayaa waxa uu goordhow ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee Maama Khadiijo kaa oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhashay gaari ay maleeshiyada dooneysay inay lasoo aadan dhanka Madaxtooyada Somalia oo ay rasaas ka socto.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa sidoo kale la socday maleeshiyo Hubeysneyd oo iyagu ka degay kadib markii ay u suuragali weyday inay gudbaan.

Gaariga Qarxay ayaa difaac u ahaa gaari ka horeeyay oo ku Qarxay meel aan ka fogeyn Hotelka SYL oo kasoo horjeeda Madaxtooyada Somalia, waxaana lasoo warinayaa in gaariga labaad ee Qarxay uu ahaa NOAH.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada amaanka ee goobta ku sugan ayaa sheegay in gaadiidka ay ahaayen Seddex gaari, isla markaana ay la’yihiin hal gaari, halka laba kale ay Qarxeen.

Sidoo kale, Rasaas xoogan ayaa weli laga maqlayaa Afafka hore ee Madaxtooyada Somalia, waxaana sidoo kale yeeraya dhawaqa gaadiidka gurmadka.

Ma cada heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo Qaraxyada, waxaana weli socda rasaas xoogan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com