DEG DEG: Dagaal culus oo caawa ka socda afafka hore Villa Somalia & Qarax culus oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu caawa ka socdaa afafka hore ee Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga kaa oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad Hubeysnaa.

Rasaasta ayaa ka socta inta u dhexeysa Isgooyska Sayidka ilaa guriga Hooyooyinka, waxa ayna rasaastu bilaabatay kadib markii ciidamada koofi casta uu ka baxsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaad Hubeysan.

Ciidamada dowlada ayaa rasaas ooda uga qaaday gaariga waxaana la xaqiijiyay in maleeshiyada ay isku dayeen inay gudaha u galaan Xarunta Villa Somalia, waxa ayna iska caawin kala kulmeen ciidamada Villa Somalia.

Rasaas kadib ayaa waxaa halkaa ka dhacay Qarax xoogan oo loo maleynaayo inuu ku xirnaa gaariga ay la socdeen maleeshiyada.

Ciidamo farabadan ayaa ku qulqulaaya Xarunta Villa Somalia, waxaana sidoo kale xiran dhammaan eeryada Madaxtooyada.

Lama Oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo Jugta culus ee dhacday waxaana la arkayaa uuro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com