Wasiir Maareeye oo u muuqda mid aan weli kala garan cida uu xilka u hayo DFS & Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday inuu faarujin doono xilka uu iminka ka hayo xukuumada Somalia, waa haddi aan daacad laga noqon wadahadalka uu dhexeeya DFS iyo Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Maareeye in dowlada Somalia aysan daacad ka aheyn wadahadalka ay kula jirto Somaliland, waxa uuna ka digay in la burburiyo wadahadalka soo socda.

Waxa uu sheegay in xiligan aan la oran karin Soomaaliland ayaa ka qeybqaadaneysa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda 2020, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in la qanciyo Somaliland.

Maareeye oo u muuqday mid aan miisaamin hadalkiisa ayaa yiri ‘’Anigu ka shaqsi ahaan waxaan ahey wakiil u taagan midnimada, laakiin dalkii iyo dadkii waa leyga heystaa ogaadaa, sidaa daraadeed haddii aan daacad laga noqon wada hadallada oo wax la sii dhagrayo aniga xilka waan ka tagayaa ogaada’’

‘’Waxaan dooneynaa in daacad laga yahay wada hadalladaas, waa in daacad laga yahay in Somaliland ku timaado wada hadal ku dhisan is faham iyo heshiis wax wada qeybsi oo aysan ku iman maamul mucaarad ah oo halkan laga sameeyo’’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

‘’Xil ka tagisteyda waxa ay ku xiran tahay hadba sida loo qanciyo Somaliland, waa arrin muhiim ah qancinta Somaliland’’

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah mudane ka tirsan BFS ayaa horay uga soo horjeestay miisaaniyada loogu talagalay wadahadallada DFS iyo maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in miisaaniyada loo qondeeyay wada hadallada labada aan la aqbali karin.

Si kastaba ha ahaatee, Maareeye ayaa u muuqanaaya mid aan weli kala garan cida uu xilka u hayo iyo sababta loogu dhiibay xilkaasi, waxaana xusid mudan inaanu miisaan laheyn haddalka uu saxaafada marinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com