Muxuu Cabdi Iley ka yiri sii deynta Maxaabiista Jabhada Mucaaradka ONLF

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Maxaabiis ku xirneyd Xabsi ku yaala duleedka magaalada Jigjiga.

Cabdi Iley, ayaa sheegay in maxaabiistaas ay u fidiyeen  cafis, waxa uuna tilmaamay inay ku jiraan qaar badan oo wakhtigooda dhameystay.

Waxa uu sheegay in qaarkood laga cafiyay mudada u harsaneyd ee lagu xukumay, waxa uuna ka digay in dhalinyarada loo isticmaalo carqaladeynta dhulkooda.

Maamulka ayaa shalay xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Ethiopia.

Cabdi Iley, oo deysmada maxaabiista ka hadlaayay ayaa yiri “Maxaabiis badan baa Xukuumadu ay cafiday, qaar baa waqtigoodii u dhamaaday, qaar kalena waxa ay ka tirsanaayeen ururka nabad diidka, shaqo abuur ayaa loo sameynayaa, sanadkana waan sii deynaa maxaabiista”

Dadka lasii daayay ayaa ku jiray xabsiga Jeel Ogaadeeniya ee magaalada Jigjiga ee Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Ethiopia.

Dhinaca kale, deysmada maxaabiista ayaa kusoo beegmeysa xili maalmihii tagay magaalada Nairobi uu shir wadahadal ah uga socday dowlada Ethiopia iyo Jabhada ONLF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com