Jabuuti oo dalkeeda ka ceyrisay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in dalka laga eryay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Carabta.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada ay dib uga laabatay Heshiiska ay la gashay shirkada DP World, kadib markii lagu eedeeyay xad gudub.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in Heshiiska ay la galeen shirkada DP World uu ahaa mid socday 6-dii sano ee lasoo dhaafay, hase ahaatee ay iminka dib uga laabteen Heshiiska.

Waxa ay dowlada Jabuuti sheegtay in DP World ay ku eedeysan tahay xad gudubyo ka dhan ah sharciga Jabuuti.

Dowlada Jabuuti, ayaa sheegtay in Heshiiskii hore uu ahaa mid Shirkada ay ku qaadaneysay dhaqaalaha ugu badan ee Dekedaha ka soo xarooda, hase ahaatee ay Jabuuti talaabadaasi u aragtay mid aan horay looga fiirsan oo xad gudub ah.

Waxaa lagu Wareejiyay Maamulka Dekeda Dooraale Shirkad Cusub oo leedahay Dowladda Jabuuti taasoo dakhliga ay soo xareyso ay isticmaaleyso Dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaan loo ogoleyn iney dhismo iyo dib udayactirba ku sameyso Dekeda taasoo kamid ah waxyaabaha ay dhibsatay Dowladda kuna khasbay inay ka laabato Heshiiska.

Dhinaca kale, dowlada Jabuuti ayaa sheegtay inay go’aan satay inay dib u celiso dhaqaalaha  Shirkada DP World ka galay Dekadda.

Natiijada sawirka Djibouti and DP World

Natiijada sawirka Djibouti and DP World

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Djibouti and DP World

Sawirka la xidhiidha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com