Xog & Gorfeyn: Maxaa Ra’isul wasaare Kheyre u qabsoomay Sanad kadib magacaabidiisa? Akhriso

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta sanad uu u buuxsamay tan iyo markii xilkan loo magacaabay, 23-kii February 2017-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa aroor Khamiis ah Xasan Cali Khayre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuuna yiri “Inaan magacaabo Xasan Cali Khayre, inuu dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, anigoo ku doortay inuu yahay shaqsi u qalma jagada aqoon ahaan iyo jago ahaan, anigoo arkay inaan wada shaqeyn karno, bacdamaa dalkan mudadii 12-kii sano ee la soo dhaafay Dowladdii timaadaba isbedelkeeda uu badnaa.”

Khayre laftirkiisa xilligaasi wuxuu ka hadlay xilka loo magacaabay hadii aan dib idin xusuusinana wuxuu yiri “Waan kaa aqbalay waxaana aad ugu faraxsanahay inaan anigoo dadkeyga dalkeyga waajibka iga saaran kula shaqeyn doono, waan ogahay xilka i saaran inuu yahay mid adag, waan ogahay wadanka inuu joogo meel adag, dadka Soomaaliyeedna ay u ooman yihiin Dowlad.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa 21-kii March 2017-kii magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen, 26 Wasiir, Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxayna Xukuumaddu soo martay mudadan sanadka ah waqtiyo kala duwan.

Horumaradii Xukuumadda Xasan Khayre ay sameysay mudadii sanadka aheyd

Xukuumaddan ayaa mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay waxa ay ku guuleystay howlo badan oo ay ka mid ahaayeen in dalka dibadiisa ay ka soo deyso Maxaabiis badan, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ay heysteen, in Ra’iisul Wasaaraha uu isla xisaabtan shaqsi shaqsi ah la yeesho Golihiisa Wasiirada, in Xukuumadda ay wax badan ka qabatay Gurmadka Abaaraha, Ka guul gaarida xakameynta hubka sharci darada ah, Howlgalinta Ciidamo u gaar ah xasilinta iyo nabadeynta Caasimadda iyo dib u howlgelinta xarumihii xuduudaha, la soo wareegitaanka Maamulka Hawada iyo Maareynta Maaliyadda.

Dhacdooyinkii saameynta ku yeeshay Xukuumadda ee aanay kaalinteeda ka qaadan.

Inta ay jirto Xukuumadda Xasan Khayre waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin waa weyn oo Xukuumaddu aanay ka qaadan kaalin muuqata, qaarkoodna lagu eedeeyay in ay iyada ka dambeyso, waxaa ka mid ahaa arrimahaasi, Dhiibistii Sarkaalka ONLF C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), Khilaafkii dhex dhexaadnimada wadamada Khaliijka, Khilaafkii Dowlad Goboleedyada, Weerarkii Bariire, Weerarkii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Weerarkii Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Shaqsiyaadkii xilalka laga qaaday iyo kuwii iscasilay Xukuumadda Khayre mudadii sanadka aheyd.

Tan iyo markii la magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya waxaa soo maray isbedelo kala duwan, iyadoo meesha ay ka baxeen Wasiiro muhiim ahaa, kuwa cusubna ay soo galeen.

Hadaba haddii aad dib u eegno Wasiirada muhiimka ahaa ee xilalka laga qaaday iyo kuwii iscasilay tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu soo dhisay Golaha Wasiirada Bishii March ee sanadkii 2017.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabaas Siraaji oo 3-dii May la dilay

Wasiirkii Arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar Axmed

Wasiirkii Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa

Wasiirkii Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdillahi Maxamad

Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale

Wasiirkii Arimaha Gargaarka Maryam Qaasim

Wasiirkii Arimaha Diinta Iimaan Cabdillahi Cali

Wasiirkii Warfaafinta Eng. Yariisow oo xilkaasi wareejiyay kadib markii Duqa Muqdisho loo magacaabay

Gudoommiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamad

Taliyihii Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamad Axmed Jimcaale (Cirfiid)

Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdixakim Daahir Siciid (Saacid)

Taliyihii NISA Cabdillahi Maxamad Cali Sambalooshe

Taliyihii Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya Abuukar Baale

La taliyihii Amniga Qaranka Xuseen Macalim Maxamuud

Gaba Gabo

Qaar ka tirsan shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda ay wax badan ka qabatay balanqaadyadii ay sameysay, waxayna tusaale u soo qaateen arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, waxayna ku baaqeen in Xukuumadda ay sii wado dadaalkeeda.

Balse fikrad ka duwan midaas waxaa qaba shacabka qaarkood, oo sheegaya in Khayre uusan qaban wax badan oo horey u balan qaaday, sidoo kale waxa ay sheegeen xukuumaddan in ay tahay midii afka oo aanay muuqan waxqabadkeeda.

W/Q. Abdirashiid Ali Dubbad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com