Warar sheegaya in Mursal uu tagayo Baydhabo, war xasaasi ahna sheegi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo inuu ka baxo magaalada Muqdisho oo uu saldhigto Baydhabo.

Qorshahan oo ay nala wadeegn xildibaano ku dhow, ayaa la sheegay inuu yahya mid diyaarintiisa ay socoto, inakasta oo weli aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga uu baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in marka uu baydhabo tago Mursal uu shaacin doono inuu Muqdisho kasoo tagay, sababtuna ay tahay inuu noloshiisa u cabsaday.

Xildhibaano ka mid ah kuwa taageersan madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay inuu yahay qorshe Mursal doonayo inuu ku muujiyo in awood loo adeegsanayao, maadaama uusan hayn codad ku filan oo madaxweynaha xilka looga qaadi karo, sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo saacado ka hor ay xildhibaano Mursal ku dhow sheegeen in laga hor-istaagay inay tagaan xafiiskiisa lana kulmaan, oo uu xabsi guri ku jiro.

Mursal ayaa dhex degan Villa Hargeysa oo ku dhex-taalla Villa Somalia. Ciidamada iyo saraakiisha Villa Somalia ayaa ka amar qaata madaxweynaha.

Sidoo kale labadiisa guddoomiye ku xigeen ayaa soo saaray dhowaan qoraal ay ku shaaciyeen go’aano dhowr ah oo u muuqday in lagula wareegay awooddii guddoomiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com