Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka BARAAWE + Khasaaraha

Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay tuulada Ambareeso, gaar ahaan xero ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleyda oo la dagaalama Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa 7 ka mid ah maleeshiyaadka ku sugnaa halkaas, sida uu shaaciyey Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xeradaasi.

Sidoo kale Aadan Cumar oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe ayaa ku eedeeyey qaraxan inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay ka qeyb-qaataan howl-gallada ka socda gobolka, si loo xoojiyo nabad-gelyada guud ee deegaanka.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo khasaare geystay uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan Shabeelaha Hoose, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay la beegsato ciidamada ka howl-gala gobolkaasi.