Maxaa looga hadlay shirkii xalay ay yeesheen Rooble iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shirkaas waxaa xalay diiradda lagu saaray dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo shirka ka qeyb galay.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in la isku soo hadal qaaday in goluhu shir isugu yimaado, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Shirkaan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo la baajiyey shir kale oo madaxda dowlad goboleedyada ay horay u iclaamiyeen in Talaaladii shalay lagu qabto magaalada Garowe.

Sida aan xogta ku helnay qabsoomidda shirkaas ayaa gabi ahaanba meesha laga saaray, kadib markii uu dhibsaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah shir guddoonka golahaan wadatashiga qaran ee go’aamiya habsami u socodka doorashada Soomaaliya.