Wararkii u dambeeyey ee ku dhawaaqista G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ka socda qorshihii u dambeeyey ee ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo warramayaa in uu soo gaba-gabeeyey wada-tashiyadii uu waday ee ku aadanaa dhismaha xukuumaddiisa.

Sida ogaatay Caasimada Online qorshaha ayaa ah in Rooble uu magacaabo golihiisa wasiirada 48-ka saac ee soo socda, si uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ka soo muuqan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumaddii Khayre iyo kuwa cusub.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in isla todobaadkan gudihiisa uu Ra’iisul wasaaraha cusub xukuumaddiisu horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastabaha ha’ahaatee xukuumadda Soomaliya oo heysata muddo aad u kooban ayaa haddii la meel-mariyo waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso ka shaqeynta arrimaha doorashada 2020 illaa 2021-ka ee la soo saara jadwalkeeda, si loo dhaqan-geliyo.