Lama filaanka kadiska ah ee cawaaqibka ku yeelan kara doorashada 2021

By Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Badda siyaasadda Soomaaliya ayaa isbeddeshay wixii ka dambeyey June 6, 2020 “Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS),” waxaana soo baxay dhowr arrimood oo aan la filaneyn kuwaas oo saameyn toos ah amase tooxsan ku yeelan kara doorashada madaxwynaha Soomaaliya.

Lama filanka kowaad waxuu ahaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi uu ku baaqay in June 25, 2020 dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyaduba isugu yimaaddaan wadatashi lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya darfaha si doorashada ka hor looga gudbo siyaasadda cakiran

Durbadiiba halkaas waxaa ka dhashay walaac sharciyeed oo ku aaddan maqaamka uu Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe uga qaybgeli doono wada xaajoodka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa aqoonsan diidday doorashadiisii. 

Si la yaab leh, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga tanaasuslay mowqifkii xukuumadda una aqoonsday muddane Axmed Maboobe inuu yahay madaxa maamul-goboleedka Jubbaland muddo labo sanadood ah, kana bilaabatay dhammaadkii xilfadhigiisii hore. 

Filanwaaga labaad waxuu ahaa shirkii looga gudbi lahaa ismariwaa u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu qabtay Jabuuti, taas oo dadka Soomaaliyeed gelisay hididiilo, balse noqon weyday waxii la mooday. Bisayl xumada siyaasadeed ee hoggaamineyaasha labada dhinac ayaa loo eedeynayaa.

Dhacdadii saddexaad ee lama filaanka ahayd waxay ahayd in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si hammi weyn leh ugu heellanaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka wada dhacdo kana qaybgalaan inta ugu badan codbixiyeyaasha, xitaa haddii ay taasi kallifayso in xilheynta hay’addaha dastuuriga la kordhiyo, ay si sahlan farahiisii ka siibatay.  

Aakhirkii, layaabka ku soo kordhay jahwareerka siyaasadeed ayaa ahaa in ku kala qaybsanaanta fikirka doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Khayre, ay ku dhammaatay in July 25, 2020 xukunka looga tuuray Ra’iisulwasaarihii ugu xilheynta dheeraa dalka “afgambi” aan waafaqsaneyn sharciga.

Qaadista ficil abuuri kara buuq sanadka doorashad waxuu weligii dhaawaci jiray fursada dib u doorashada Madaxweynaha fadhiya [Farmaajo], waxuuna daliil u yahay in doorashadu ay gashay waji cusub oo ku dhaliyay hubaal la’aan xisaabtankii siyaasadeed ee “Nabad iyo Nolol.”

Dhacdada afraad ma ahayn wax lala yaabo, balse saamaynteeda si buuxda looma saadaalin. Shirka 3aad ee wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb ayaa qabsoomay iyadoo ay qaaddaceen madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Carqaladeeynta baadiggoobka nidaam doorasho oo shaqeynaya oo gaartay quus ayaa soo bandhigtay faham xumada nidaamka federaalka, taas oo dedejisay in Mareykanka qaswadayaal ugu yeero madaxdii danahooda ka hormariyay tii dalka.

Ilaa hadda, dhammaan dhacdooyinkaas filawaaga ahaa ee la yaabka isdaba joogga ah ka soo burqaday, waxay u muuqdaan xisaab xumo siyaasadeed kaddib markii ay hakin waayeen in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heshiiskii Muqdisho sidiisii u meelmariyo, taas oo dhalisay jahwareer hor leh.  

Darreenku waxuu yahay in doorashoda dadban aysan horseed u noqon karin hirgelinta dimuqraadiyad loo simaan yahay, wax badanna aysan ka duwaneen tii 2016kii, taas oo ku caan baxday fadeexada musuqmaasuq ee ugu weynnayd taariikhda Soomaaliya. 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid