Macron oo weerar culus ku qaaday ISLAAMKA, kuna dhowaaqay go’aano adag

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diinta Islaamka ku qeexay “diin adduunka oo dhan ay dhibaato ka taagan tahay,” isaga oo shaaca ka qaaday qorshe lagula dagaalamyo wax uu ugu yeeray “xagjirnimada Islaamka” ee gudaha France.

Macron ayaa sheegay in diinta Islaamka ay xasarad ku sugan tahay, sababtuna ay tahay mowqifyo xagjir ah oo kasii daraya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci looga gol leeyahay in sare loo qaado calmaaniyadda Faransiiska, kana dhan ah “gooni u goosadka Islaamiga ah.”

“Islaamka waa diin dhibaato ay ka taagan tahay dunida oo dhan, ma ahan oo kaliya wax aan ku arkeyno France kaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dowladda ay bisha December soo bandhigi doonto sharci lagu xoojinayo sharcigii laga soo saaray France 1905-tii, kaasi oo kala saaray diinta iyio dowladda.

Tallaabooyinkan, ayuu Macron yiri in looga gol leeyahay in wax looga qabto dhibaatada xagjirnimada Islaamka ee kusii kordheysa France, loona horumariyo “awoodda aan u leenahay inaan wada noolaano.”

“Calmaaniyadda waa waxa isku haya midowga Faransiiska,” ayuu yiri.

Sharcigan, ayuu sheegay, inuu dadka u ogolaanayo inay doortaan diinta ay doonayaan, hase yeeshee uu mamnuucayo in iskuulada iyo goobaha dadweynaha lagu muujiyo diinta.

Sanadihii tegay, Muslimiinta Faransiiska ayaa muujinayey diintooda, taasi oo dood badan ka dhalisay Faransiiska, gaar ahaan dumarka xirta xijaabka.

Muslimiin badan waxay cabasho ka muujiyeen in la takoorayo islamarkaana la dhibaateynayo, taasi oo horseeday inay bulshada ka soocmaan, noqdaana bulsho gooni u nool oo badankoodna sabool ah.

Macron waxa u uku dhowaaqay inuu isku dayi doono inuu Islaamka Faransiiska “ka xoreeyo” saameynta shisheeyaha, ayada oo sare loo qaadayo la socoshada lacagaha lagu maal-geliyo Masaajidada.

Waxaa sare loo qaadi doonaa ka warqabka Iskuuullada, gaar ahaa kuwa diimeed ee bulshooyinka Islaamka.

Waxyaabaha kale ee Macron uu shaaciyey waxaa ka mid ah in la xadidi doono caruurta guryaha wax lagu baro ee Muslimiinta ah, si looga hortago, buu yiri, in la maskax rogo.

Sharciyadan cusub ee Macron qorsheynayo ayaa laga cabsi qabaa inay carro badan ka dhex abuuraan Muslimiinta, oo markii horeba dareemayey in la beegsanayo, taasi oo ahayd mid ka mid ah sababaha ay dhallinyaro badan ugu nuglaadeen inay ku biiraan kooxaha argagixisada.