Go’aanka shirkii Villa Somalia oo daaqada ka tuuray hami siyaasadeedkii dad badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda siyaasadda Soomaaliya, Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay go’aamadii kasoo baxay shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, gaar ahaan shuruudaha lagu waajibiyey musharixiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal.

Afyare ayaa dood ka qaba lacagta lagu waajibiyey inuu bixiyo musharax kasta oo u tartamaya labada aqal, taasi oo ah dhigeysa in musharixiinta Aqalka Sare ay bixiyaan 20-kun, halka 10-kun laga rabo kuwa Aqalka golaha shacabka.

Shuruuddan adag ee lacagta ayaa meesha ka saareysa hami siyaasadeedka dad badan oo doonayey inay xilal u tartamaan, waxayna fursadda ku koobeysa kaliya inta yar ee lacagta haysata ama qurbo-joogta.

Prof. Afyare wuxuu lacagahaasi ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo cadaaladda ka fog, maadama ay liiska tartamayaasha ka reebayso muwaadiniin badan oo xaq u lahaa inay doorasho galaan.

Sidoo kale waxa uu isbar-bar dhig ku sameeyay xadiga lacagta laga rabo musharaxiinta iyo midka ay mushahar ahaan u qaatan xildhibaanadu, kaasi oo qiyaasitii ay ka badan tahay afar jibaar mida hadda lagu diiwaan-galinayo.

“Sida lasoo sheegayo, rag yar ayaa go’aansaday in musharixiinta Labada Aqal ee Soomaaliya ay bixiyaan khidmadda xareynta oo ah $10,000 & $ 20,000 siday u kala horreeyaan” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay.

Wuxuuna sii raaciyey “Go’aankaan cadaalad darada ah ayaa ka hor istaagaya inta badan Soomaalida inay ka qeyb galaan. Si la yaab leh, mushaharka jagooyinka waa qiyaastii $ 3,700. Taasina waxay dhiiri-gelin doontaa musuq-maasuqa”.

Ugu dambeyntiina waxa uu tallaabadaasi lacagaha badan loogu soo rogay musharaxiinta ku macneeyay mid horseedi karta musuq-maasuq baahsan.