Meydka qof si arxan darro ah loo dilay oo la soo dhigay wado ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qof si arxan darro ah loo dilay la soo dhigay qeybo ka mid ah wadada Sodonka, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyadaa Baar-Ubax iyo Black Sea.

Marxuumka oo si xun loo dilay ayaa waxaa jirkiisa ka muuqday dhaawacyo halis ah, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday Toorey ama Mindi, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo saaka waabarigii hore meydka ku arkay isaga oo yaallo wadada dhinaceeda.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan CID-DA ayaa sidoo kale gaaray meesha, kuwaas oo baakado dul-saaray meydka, islamarkaana xiray dhaq dhaqaaqa wadadaasi.

“Qof la dilay oo aan garaneyn cidda dishay ayaa saakay ku aragnay laamiga soddonka gaar ahaan xaafadda Salaama, Ciidamada Booliiska Degmada Howlwadaag ayaa tagay oo dhinac kamid ah wadada xiray, waxaana yimid Askarta baarista ee xarunta C.I.D-da.” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda lama aqoonsan wax uu ahaa ninka la dilay ee kadib meydkiisa la soo dhigay halkaasi.

Sidoo kale lama garan kooxdii ka dambeysay falkaasi oo goobta isaga baxsatay dhacdada kadib.

Meesha ay wax ka dhaceen oo ah xaafadda Salaama ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaas oo lagu dilay taliyihii ciidaada dhar cadda degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.