ILHAAN Cumar oo arrin halis ah ku eedeysay Donald Trump oo ISBITAAL ku jira

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana tirsan golaha aqalka Congress-ka Mareynka, islamarkaana ay si weyn isku hayaan madaxweynah dalkaasi ayaa eedeyn halis ah u jeedisay Donald Trump xilli loola cararay isbitaal milatari ka gadaal markii isaga iyo xaaskiisa laga helay cudurka faafa ee Coronavirus.

Ilhaan ayaa sheegtay in Trump & Jamhuuriyiinta Minnesota ay si firfircoon u faafinayaan xanuunka safmareenka ah ee Covid 19, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu halis ku yahay caafimaadka bulshada iyada soo dooratay iyo guud ahaan dalka, xilli madaxweynaha laga helay feyraska Corona.

Waxaa kale oo ay carabka ku dhufatay in Trump uu horseeday boqolaal xaaladdood oo  kor u kaca kiisaska Covid-19 ah.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo  kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna.” ayay tiri Ilhaan oo dagaal siyaasadeed kula jirta Trump.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in maamulka madaxweyne Trump uu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay cudurka Coronavirus.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lala tacaalayo xaaladda madaxweynaha dalka Mareykanka oo uu soo ritay cudurka Covid-19, waxaana la dhigay isbitalka Walter Reed National Military Medical Center oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee ku dhow Washington, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono.