Dalalka dariska ee Kenya iyo Itoobiya oo laga caawinayo ka hortagga Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo ujeedkeedu yahay iney sii xoojiso la dagaalankooda kooxda Al-Shabaab ayaa gaadiid siisay dowladaha Soomaaliya dariska la ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Warbixin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee wadanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in la siiyay ciidamada Itoobiya sahay lagu qiimeeyay ku dhawaad saddex malyan oo doolar si ay u xoojiyaan la dagaalankooda Al-Shabaab.

29-kii September ayey aheyd markii la helay xogtaas, waxaana la siiyay gaadiid xamuul ah, booyado, gaadiidka shidaalka, gawaarida gurmaka iyo qalab kale oo ay ku jiraan kombiyuutaro la adeegsado habeenki.

Bartamahii bishaan ayey aheyd markii gawaari 20 kor u dhaafey oo qaarkood ay yahiin kuwa aysan xabaddu karin la siiyay ciidamada Kenya, waxaana lagu gudoomay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waa halista ugu weyn ee gobolka, waxeyna ku xoogan yahiin Soomaaliya, walow ay sidoo kale weeraro ku qaadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee jooga Soomaaliya.

Al-Shabaab waxey sidoo kale mudooyinkii dambe ku dhiiradeen iney weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya iyagoo xadka ka tallaaba.