Wararkii ugu dambeeyay dacwadda Fahad Yaasiin iyo garyaqaanka guud ee DF oo war cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa goordhoweyd soo saaray qoraal uu Maxkamadda sare kaga dalbanayo in loo kordhiyo mudada laga sugayo jawaab celintii ku aadaneyd dacwadii uu gudbiyay Fahad Yaasiin.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa sheegay in weli ay u baahan yihiin waqti dheeri ah, ayada oo shalay maxkamaddu ay ugu dartay hal maalin oo dheeri ah oo ku eeka maanta oo ah 13-ka April ee 2022-ka.

“Mudane Guddoomiye waxaa si xushmad leh kuugu wargelinayaa in aan u dirnay Warqadaha sumadeedu tahay XGG/072/2022 ee 10/04/2022 Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aan uga codsanay inuu sida ugu dhaqsida badan noogu soo gudbiyaan cadaymaha looga baahan yahay si looga difaaco dacwada loo haysto,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda.

Warqada oo uu ku saxiixna Garyaqaanka guud ee dowladda, Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa waxaa Guddoomiyaha maxkamadda sare looga codsaday in markale uu waqti ugu daro jawaab-celinta laga sugayo, xili uu guddiga FEIT ku mashquulsan yahay diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada.

Qoraalkan ayaa daba socda warqad shalay ay soo saartay Maxkamadda Sare, taasi oo xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda looga dalbanayay in uu maanta keeno jawaab-celinta dacwada uu soo gudbiyay Fahad Yaasiin oo kursigiisa muran badan ku gadaaman yahay.

“Maxkamadda Sare ee dalka iyada oo tixraacaysa warqadda sumadoodu kala yihiin XGG/073/2022 iyo XGG/072/2022 ee ku taariikhaysan 10/04/2022 waxay hal maalin dib u dhigtay jawaab celintii lagu sugayay xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shalay maxkmadda sare.

Si kastaba, dacwada uu gudbiyay Fahad oo aheyd isku-deygii u dambeeyay ee u qaado si loogu fasaxo kursigiisa ayaa u muuqda in uu gaabis weyn wajahayo, ayada oo sida muuqata ay ka cago-jiidayaan guddiga doorashooyinka heer federaal oo ayagu hore ugu dhaganaa kursigaas.