JACFAR ma ka tanaasuli doonaa dhul-boobka marka berri la dhaariyo kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada la filayo in berri Muqdisho lagu dhaariyo waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jafcar oo wajahaya eedeymo culus oo ku aadan dhul boob uu ka sameeyey degmada. 

Waxaa su’aal ay ka taagan tahay sababta guddiga doorashada u doortay in qof ku eedeysan dhul boob dadweyne ay siiyaan shahaado ayaga kuraas badan u xayiray eedeymo intaas aad uga yar.

Qaar ka mid ah shacabka degmada Dayniile dhulka ku leh ayaa horey u sheegay in dhul ay leeyihiin uu burburiyey guddoomiye Jacfar, isaga oo ku doodaya inuu ka dhigo garoon diyaaradeed, oo ay la ogtahay dowladda.

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa marar badan iska fogeysay arrinta uu sheegayo Jacfar, waxaana sheegashada garoonka loo arkay mid lagu xalaaleysanayo dhulka shacabka.

Dhulkan ayaa waxaa leh shacab badan oo ka kala tirsan qabaa’ilo kale duwan, waxaase u badan dad kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle, kuwaas oo soo bandhigay dukomuntiyo ay ku cadeynayaan in dhulkaas ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan.

Shacabka ayaa sheegay guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jafcar inuu xoog uga qaatay dhulkaasi, kadibna uu falay isaga oo sheegay inuu ku darayo dhismaha garoonka.

Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban.

Haddii Jacfar berri la dhaariyo oo uu noqdo xildhibaan rasmi ah, waxaa su’aal ay ka taagan tahay inuu ka tanaasuli doono dhul boobka iyo intaas ay u noqon doonto fursad uu xasaanad ku helo oo uu kusii xoojisto dhul boobka. 

Arrintan waxay sharaf dhac ku tahay dowladda federaalka iyo beesha uu kasoo jeedo Jacfar, oo lagu eedeeyey inay raali ka yihiin inuu dhulkan boobo, inkasta oo magacooda uu si weyn ugu sumcad dilay.