Wararkii ugu dambeeyay doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay, ee loogu diyaar-garoobayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, oo maalinta berrito ka dhaceysa magaaladaasi.

Doorashadan oo illaa saddex heer ah ayaa waxaa loogu tartamaya kuraasta Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad. Illaa saddex musharax ayaa u taagan jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo kursiga Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ay ku tartami doonaan laba musharax, halka ay laba kale ku baratamayan booska Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Mid ka mid ah musharaxiinta u taagan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad waxaa weeye haweeney, waana gabadha keliya ee ku jirta dhammaan xubnaha u tartanaya Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharaxiinta oo maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ka hor jeediyeen khudbado ay ugu talagaleen inay kaga faalloodaan taariikhdooda iyo waxqabadkooda mustaqbalka, haddiiba la doorto.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa caawa Magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo kala gooni gooni ah, oo ay la qaadanayan Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug, iyadoo mid kastana uu juhdi ku bixinayo sidii loo soo dooran lahaa.

Loolankan siyaasadeed ayaa waxaa gadaal ka kala riixaya Dowladda Federaalka iyo Wakiilada Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan, waxayna doorashadan ka duwanaan doontaa kuwii horey u soo maray Galmudug, markaad eegto dhinacyada tunka waaweyn ee ku lugta leh.

Wariye-yaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay caawa wajahayso mid ka mid ah habeenadii ugu mashquulka badnaa ee magaaladaasi soo mara, inta ay taariikhda xuseyso.

Dhanka kale waxaa la adkeeyay amniga Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku dadaalayan, sidii ay ku xaqiijin lahaayen amniga magaalada, ayna u diyaarsan yihiin ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah nabadgelyada magaalada.

Si kastaba ha-ahaatee dadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, ee ka jira Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.