Wararkii ugu dambeeyay ee askartii Ethiopia ee lagu qabtay dagaal beeleedka

Gelinsoor (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo lagu qabtay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka, maanta gelinkii dambe la wareejiyay.

Ciidamada Ethiopian-ka oo labo askari ahaa ayaa loo diiday in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, iyadoo odayaasha deegaanka ay isla garteen in askartaasi si nabad ah loo wareejiyo, maadaama ay bixiyeen xog ku saabsan sida ay dagaalka kusoo galeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada loo gacan geliyay ciidamada Liyuu boolis oo ku sugan dhulka dowlad deegaanka kadib is afgarad dhex maray odayaasha deegaanka lagu dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la wareejiyay hubkii ay ku dagaalamayeen ciidamada dagaalka lagu qabtay, waxaana caawa kulamo gaargaar ah ay ka socdaan deegaanka.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa doonayay in ciidamadaasi lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya si dowladda ay ugu wareejiyo dowladda Ethiopia, balse qorshahaasi waxaa ka hor yimid odayaasha dhaqanka.

Deegaanka ayaa waxaa hadda ka bilowday dhexdhexaadin beelaha ku dagaalamay Kaxandhaale oo dhul daaqsimeed isku haya.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com