Puntland: Dr. Cali Ciise oo is-sharaxay iyo laba arrin oo dhici kara – Hartism iyo beesha Dhulbahante oo…

Maanta ayuu si rasmi ah xaflad ka dhacday Garowe ugu shaaciyey Dr. Cali Ciise Cabdi in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland.

Toddobaad kahor uun ayey soo shaac baxday hanka Dr. Cali Ciise, waxa ayna noqotay lama filaan halka ay walbahaar ku abuurtay musharixiinta 30 kor u dhaafaya ee loolanka markii hore ka dhexeeyey.

Sida xogta lagu helayo, guriga uu Dr. Cali Ciise ka dagay Garowe waa mid saxmad iyo mashquul badan iyada oo ay bulshada reer Puntand dhammaan isla qireen in uu yahay shaqsiga maanta ugu habboon ee hore u sii wadi kara maamulka 21 sano jirsaday.

Walow aan la saadaalin karin in Dr.Cali Ciise sanadkan ku guuleysan doono xilka Madaxweyne ee Puntland, waxaa hubaal ah in laga dhaxli doono laba qodob natiijada ka soo baxda hoolka doorasha maalinta ay taariikhdu ku suntan tahay 8-da Janaayo 2019.

Haddii uu guuleysto, waxay guusha Dr. Cali Ciise Cabdi noqon doontaa waayo cusub oo u beryey Puntland, xiisaha ggaarka ah ee uu leeyahay waa mid is weydiin mudan? Ma musharixii ugu horreeyey oo xilkaas u tartama oo a soo jeeda Dhulbahantaa? Ma markii ugu horreeysaybaa in Dhulbahante hoggaamiyo Puntland?

Jawaabaha su’aalahaas waa MAYA! Maanta oo la joogo Dhulbahante waxaa xilkaas ugu tartamaya saddex oo uu Dr. Cali Ciise ku jiro, su’aasha labaad – Dhulbahante hore Puntland xilka Madaxweyne waa uga soo qabteen – Maxamed Cabdi Xaashi ayaa muddo dhawr bilood ah xilkaas hayey xilli looga adkaaday doorashadii xigtay tiro ka yar 6 cod.

Taas marka la fahmo, aan u daadago labadii qodob ee aan sheegay ee laga dhaxali doono waxa hoolka doorashada ka dhaca –

Qodobka Kowaad 

Ka soo qaad, guusha waxa ay maalintaas raacday Dr. Cali Ciise Cabdi – waa madaxweynihii shanaad ee Puntland, maxaa xiga?

Waxaa xigi doono in ay si toos ah laba shey oo hadda laga xishoodo dib u soo shaac baxayaan; Hartism iyo Puntland la wada leeyahay.

Puntland waa maamul ku dhisan HARTIS ama beelaha Harti ee kooban qaabilo dhawr ah oo laga xusi karo; Majeerteen (Maxamed Harti), Dhulbahante (Siciid Harti), Warsangeli (Maxamuud Harti) iyo Dishiishe (Axmed Harti).

Hartism waxa ay meesha ka baxday 2007 wixii ka dambeeyey xilligaas oo ay Somaliland la wareegtay gacan ku haynta gobolka Sool iyo qeybo ka mid ah Sanaag.

Isku dayo badan ayaa la sameeyey oo dib loogu xorreenayo Sool base waxa ay ka suuragali weysay madaxdii Majeerteen gaar ahaan Maxamuud Saleebaan ee hoggaanka isu bed bedelayey.

Waxaa ka dhashay in meesha gebi’ahaanba ay meesha ka baxdo HARTISM-kii oo ay Dhulbahante u qaataan siyaasadda Majeerteen mid ku daneysi aan dhaafsiisneyn maadama in xilka Madaxweyne ay banneeyaan rabin, dhulkii maqnaana noqdo sheeko xariiro lala soo shirtago maalmaha ol’oleyaasha doorasho!

Waxaa Iyana quustay oo la waayey sheekadii ahayd Puntland la wada leeyey. Caadiyan Puntland waxaa wada dhistay beelaha Harti ee aan meesha ku xusay iyo qyebo ka mid ah Daarood Weyne sida Leelkase, Awrtable iyo Jambeel.

Xukunkii oo soo dhaafi waayey Maxamuud Saleebaan oo ah jifi ka mid ah Majeerteen waxa ay keentay iska daa Puntland ay wada leeyihiin beelaha kor ku xusan ee wada dhistay, xataa waxaa isku nacay Majeerteen dhexdiisa.

Haddii Cali Ciise soo boxo, waxaa dib u istaagi doona labaddii tiir ee lagu aslay Puntland markii 1998 dhidhibada loo aasay –HARTISM iyo Puntland la wada leeyahay.

Qodobka Labaad

Dhulbahante oo midooba, taas waxa ay Iyana u gogol xaari doontaa gobolka Sool oo si sahlan oo aan dagaalba ka dhicin dib ula midooba Puntland inteeda kale.

Gobolka Sool oo ah xuduntii Dhulbahante aadna ahmiyad ugu leh Puntand ilaa iyo 2007 waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo beeleed ka gadooday siyaasadda HAGBADDA ah ee Puntland iyo Somaliland oo gacan saar la leh.

Haddii Dr. Cali Ciise oo ah maanta shaqsiga ugu sumcadda badan beesha Dhulbahante noqdo Madaxweynaha Puntland waxa ay soo de dejin doonta midowga reer SSC iyo Laascaanood oo dib loo xorreeyo.

W/Q: Xuseen Muuse Guuleed
Nairobi, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid