Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah oo la xiriira xisbiga UPD

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si lama filaan ah caawa uga baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu xildhibaanka ku yiri “Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)”

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xisbiga uga baxay sababo isaga u gaar ah oo uusan shaaca ka qaadin waxa ay yihiin.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan Madaxda, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga oo aan si wanaagsan usoo wada shaqaynay ahna Saaxiibo igu qaali ah. Waxaana u rajaynayaa Xisbiga Mustaqbal Wanaagsan iyo Horumar Wacan” ayuu yiri xildhibaanka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan baarlamanka Soomaaliya, waxaana ka bixitaankiisa xisbiga ay dhaawac xooggan ku tahay xisbigan, inkasta oo xubno kale oo saameyn leh ay weli ku jiraan.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hore wasiiru dowlaha maaliyadda uga soo noqday dowladdii Xasan Sheekh ayaa dhowaan laga saaray guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya oo uu ahaa xoghayaha guddiga, kadib markii ay soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre.

Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida adag uga soo horjeeda xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com