Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howl-galo kala duwan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Ceel-Muluq oo shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen dagaal la’aan ayaa waxaa laga bilaabay howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howl-galada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan Ruun-Nirgood oo ah deegaanka kaliya ee Al-Shabaab kaga hareen gobolka.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.