Kenya oo war kasoo saartay wada-hadallada DF iyo S/L

Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadallada.

Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tiri Monica.

Inkasta oo labada dhinac ogol yihiin in dib loo bilaabo wada-hadallada mudada badan hakadka ku jiray, hase yeeshe waxa jira shuruudo ay Somaliland ku xirtay si ay miiska wada-hadallada ula fariisato dowladda federaalka Soomaaliya.

“Somaliland waxay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.”

Sidoo kale waxa kamid ah shuruudaha Somaliland ku xirtay dib u bilaabista in dhamaan heshiisyadii hore u gaareen dhinacyadu loo fuliyo si deg deg ah, helitaanka hannaan dhex-dhexaadin caalami ah oo dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka iyo inay jiraan mabaadi’ muhiim ah & xeer hab-dhaqan oo saldhig looga dhigayo wada-hadallada.

“Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. Sidoo kale waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la ogeyn sida uu ka yeeli doono shuruudaha ay Somaliland ku xirtay, kuwaasi oo ku horgudban dib u amba-qaadista wada-hadalladaasi.