Ciidamada DF iyo Macawiisleyda oo deegaano horleh la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa kuwa dadka deegaanka ayaa maanta deegaano horleh kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib howlgallo kala duwan oo ka kala dhacay Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamad huwanta ay gudaha u galeen deegaanka Al-kowthar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay dhor jiho ka weerareen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah, waxaana ku sugnaa xubnihii Al-Shabaab ee todobaad kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal.

Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkoodana uu yahay in kooxda laga saaro guud ahaan gobolkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay gobolka Hiiraan, gaar ahaan jiinka Webiga.

Ciidamada huwanta ayaa qabsaday deegaanka Xamiir-gaab oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa iyaguna maanta dib u qabsaday Goof-gaduud Buurey, halkaas oo todobaad kahor ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in haatan ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan halkaasi, waxayna saraakiisha dhankooda sheegeen inay ka hortagayaan weerarada Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guluf ka dhan ah Shabaab ka waday gobollada, kaas oo deegaano badan looga qabsaday.