Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Muqdisho ee maanta iyo bartilmaameedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow dekedda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad halkaas ku taalla oo lagu magacaabo Luul Yemeni kana mid ah maqaayadaha ugu caansan ee laga cunteeyo, wuxuuna ahaa qarax weyn oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Waxa ka dhashay qaraxaasi khasaaro kala duwan oo iskugu jiray dhaawac iyo dhimasho, sida uu idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay Afhayeenka ciidanka booliska.

Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in qofkii naftii haligaha ahaa ee isku qarxinayay maqaayadaasi laga hor istaagay inuu gudaha usii galo, taasi oo hoos u dhigtay Khaasaraha dhimasho ee uu sababay qaraxaasi.

Wuxuuna qaraxaasi sababay dhimashada 3-ruux oo uu ku jiray ninkii is-qarxiyey, halka ay ku dhaawacmeen labo ruuxo kale oo ka ag dhawaa maqaayada uu qaraxaasi ka dhacay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa Saraakiil ka tirsan dowladda oo maqaayadaasi ka qadeeya xiliga duhurkii, oo ahaa waqtigii uu ismiidamiyuhu uu isku qarxiyay.

Mana jirto waxyeelo kasoo gaartay Saraakiishii ku sugnaa goobtaasi, sida ay Caasimdaa Online u sheegen Ciidamo ka tirsan Booliska oo goobtaasi gaaray markii uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxaasi ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay meelo badan oo magaalada, hase yeeshe laga hortagay khasaaro badan oo uu sababi lahaa, maadama uu qaraxaasi kusoo beegmay xili ay bulsho badan ku sugneyd goobtaasi.