Geedi: Doorasho waqtigeeda dib looga dhigi karo ma jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cali Maxamed Geedi, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka beelweynta Mudullood ee maanta ka furmay mowlaca Macallin Nuur Maxamed Siyaad ee Muqdisho kaga hadlay siyaasadda dalka iyo kaalinta ay beeshaasi ku laheyd horumarka dowladnimada dalka.

Cali Geedi ayaa sheegay in dowladnimada maanta jirta ay ka timid meel fog, beesha Muddulloodna ay hanti iyo wiilal badan ay ugu baxday, sidaasi darteedna ay tahay in la ilaaliyo.

“Muddullood waa maktabad qaran laga soo billaabo Madaxweyne Aadan Cadde AUN oo lagu soo aaminay hoggaanka ummadda Soomaaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda iyo Dowladnimada, Dowladda maanta jirtana meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaalinaa,” ayuu yiri Prof. Cali Geedi.

Cali Maxamed Geedi ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in aysan dhici karin mudo karorsi iyo dib u dhac ku yimaado waqtigii loogu talagalay inay dhacaan doorashooyinka.

Wuxuu sheegay Cali Geedi hadal ka duwan hadaladiisii hore oo laga dareemayay in ay kala furteen madaxweyne Farmaajo oo horay uu u taageeri jiray, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan dhici karin dib u dhac doorasho, wuxuuna cod dheer ku sheegay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso.

Cali Maxamed Geedi oo siyaasadiisii adkeyd ee uu ku taageeri jiray Villa Somalia u muuqatay mid isbadashay ayaa hadalkiisa soo gabagabeeyay isagoona dalbaday in laga wada shaqeeyo adkeynta midnimada beesha Mudullood iyo in deegaanadeeda xoreyso, dib u dhistaan lana hormariyo guud ahaan deegaanada beesha degto.