Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada xabsiga Hargeysa iyo suxufiyiin horleh oo la xiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino kala duwan kasoo baxayaan rasaas culus oo goor sii horeysay laga dhex maqlayay gudaha xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Rasaasta oo si weyn looga maqlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa la sheegaya inay ka dhalatay kadib markii qaar ka tirsan maxaabiista xabsiga ay gadoodeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiistaas ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas, taasina ay keentay is-rasaaseyn dhex-mareysa ayaga iyo ilaalada xabsiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ayaa isku hareereeyay dhammaan jidadka kasoo baxa xabsiga dhexe si looga fogaado inay baxsadaan qaar ka tirsan maxaabiista.

Booliska ayaa joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee jidadka u dhow xabsiga dhexe, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa ka socda gudaha xabsiga.

Sidoo kale waxay ciidamada booliska xabsiga dhigeen ku dhawaad lix wariye oo ka tirsan warbaahinta kala duwan ee Somaliland, kuwaasi oo tabin toos ah kaga jiray agagaarka xabsiga ay shaqaaqada ka dhacday.

Xukuumadda ayaa gebi ahaanba warbaahinta madaxa-banaan u diiday inay kasoo ag dhawaato agagaarka xabsiga, si ay u tabiyaan waxa jira, ayada oo telefishanka ku hadla afka dowladda uu yahay ka kaliya ee loo ogol yahay in siday xukuumaddu rabto u tabiyo xaalada halkaas ka taagan.

Amaanka xabsiga weyn ee Hargeysa ayaa hadda si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamada gaarka ah ee RRU-d, ciidamada Booliska iyo Ciidanka asluubta, ayada oo gudaha xabsiga ku jiraan wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Ma jirto maxaabiis ka baxsatay xabsiga illaa hadda inta la ogyahay. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.