Wararkii ugu dambeeyay guddoomiyihii gobolka Togdheer ee la weeraray

Burco (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Xamse Maxamed Cabdi ayaa shalay lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer.

Weerarkaasi lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa maanta waxa faah-faahin dheeriya ka bixiyay Guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer, wuxuuna yiri

“Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday guddoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka”.

“Waa meel la isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo. Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo”.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid “Khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com