Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka Jawaari laga keenay iyo Loolan adag oo ka taagan gudaha Xildhibaanada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada dalka iyo Mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay saakay ka gudbiyeen Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudiga joogtada ayaa waxa ay ka hadli doonaan waxa laga yeelayo mooshinkaas iyo dhankooda in ay u gudbiyaan Golaha Shacabka kadib markii la’isku raaco mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar  ah oo looga arrinsanayo mooshinka ka socda dalka,kuwaas oo ay kala wadaan Gudoomiye Jawaari iyo Xubno ka socda Xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Warar laga helayo Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu kulamo la leeyahay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Jawaari uu wajahayaa xaalad go’doon ah marka loo eego mooshinka laga gudbiyo iyo eedeymaha loo jeediyay.

Dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in mooshinka laga keena Jawaari uu yahay midkii ugu halista badnaa ee soo wajahay tan iyo markii uu Xilkaas qabtay dhawr sano ka hor, waxaana laga cabsi qabaa inuu meesha ka baxo oo uu xilkiisa ku waayo mooshinkaan oo u muuqdo inuu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com