Xildhibaanada kasoo horjeedo Jawaari oo cirka isku sii shareeray iyo Xaaladiisa oo meel xun mareyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa.

Mooshinkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay saxiixay Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay cirka isku sii shareereen xildhibaanada kasoo horjeedo Baarlamaanka Soomaaliya.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inay xildhibaanada kasoo hor jeedo Jawaari ay tiro ahaan sii marayaan ilaa 156 Xildhibaan kuwaas oo Jawaari kusoo eedeeyey inay  ku tuntay Dastuurka Dalka Soomaaliya u yaal isla markaasna uu ku takri falay.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay.

Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno.

In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo.

Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com