Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Jawaari uma dooran inuu Baarlamaanka leeyahay”.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka looga soo horjeedo gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ka hadlay sababaha ay mooshinka uga keeneen Jawaari.

Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in gudoomiye Jawaari uu ka gaabiyay waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu ula dhaqmay xildhibaanada sida inuu isaga leeyahay Baarlamaanka.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo saaka qabtay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in illaa 108 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinka, isla markaana isku qanciyeen in Jawaari uu wadi waayay Baarlamaanka

“Waxaa maanta Mooshinka uga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa sabab u ah inuu Baarlamaanka hagi waayay, labo jeer ayaa dooranay, Baarlamaankii 9aad ayuu hoggaaminayay, wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu qof leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay maamul xumo iyo tagri fal, isla markaana xaruntii Baarlamaanka Golaha shacabka ay muuqaal wanaagsan yeelan weyso, taasna uu sababteeda leeyahay sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com