Puntland oo War yaab leh kasoo saartay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya Dalka uga mamnuucay DP World

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inaysan waxba ka quseynin go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya kasoo saartay shirkadda DP World ee lagu mamnuucay inay dalka ka shaqeyso.

Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland waxba ka quseyn Qaraarka Baarlamanka Soomaaliya, isla markaana ay Maamulka Dekeda Boosaaso gacanta ku heyso Shirkadda P&O ee aysan maamulim DP-World.

Wasiirka ayaa sheegay in Go’aanka Baarlamaanka uu kaliya quseeyo DP-World iyo dekadda Berbera. Wasiirka Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.

“Xeerkaan ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Maamulka Somaliland oo heshiis kula jirto DP-World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yiri Wasiirka Dekeda Puntland.

Warka kasoo yaaray maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xeeladeysi ah oo ay doonayaan inay uga baxsadeen go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shirkadda P&O ay tahay shirkad DP World leedahay. waxaana heshiiska dhinaca DP World u saxiixay isla guddoomiyaha shirkadda ee aflagaadadda u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com