Akhriso Sidee lagu ridi karaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay gadaal ka riixayaan.

Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa, iyadoo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen ololaha lagu saxiixayay Mooshinka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Wasiiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay inay wax ka saxiixeen Mooshinkan.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay.

Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah.

Sidee lagu ridi karaa Guddoomiye Baarlamaan ?

Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa weji cusub gelinaya marxaladaha looga bartay Mooshinada oo markii hore looga bartay in Ra’iisul Wasaare laga keeno.

Ma Sahlana in la rido Guddoomiye Baarlamaan, marka loo eego ridista Ra’iisul Wasaare.

In Guddoomiye Baarlamaan Mooshin laga keeno waxay u baahan tahay saxiixa Xildhibaano gaaraya 94 Xildhibaan, waa saddex meel labo meel tirada looga baahan yahay in Mooshinka lagu aqbalo.

Sidoo kale waxaa xilka looga qaadi karaa Guddoomiye Jawaari 184 cod oo qarsoodi ah, halka Ra’iisul Wasaarena ay kalsoonida kala noqon karaan 139 cod oo ah gacan taag.

Sidaas oo ay tahay in la rido Guddoomiye Baarlamaan waxay u baahan tahay juhdi iyo dadaal badan, sida Olole Doorasho Madaxweyne oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com