Wararkii ugu dambeeyay shirka ka furmaya Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay shirka magaalada Garowe kaga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirkaasi ayaa ah midkii ugu adkaa oo ay yeeshaan dhinacyada  ku shiraya maanta magaalada Garowe, waxaana looga hadlayaa amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda, qeybsiga Kheyraadka, deeqaha caalamka iyo arinta ugu daran oo ah doorashooyinka.

Waxaa la filayaa in shirka uu gelinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana socda diyaar garow iyo shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, isaga oo ka doonayo inay taageero kaga helaan shirka xasaasiga ah ee ka dhacaya magaalada Garowe.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa la sheegay dhankiisa inuu ku sugan magaalada Garowe, islamarkaana uu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaaladaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa socday qaban qaabada shirka, waxaana uu shirkaan baaqday labadii iyo Afartii Bishaan, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in shirka uu furmo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan la geeyay hareeraha magaalada.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com