Wararkii ugu dambeeyay weerar lagu qaaday xarunta Universal TV ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar rag ku labisan dareeska ciidamada booliska ay ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo saacado kooban socday, ayaanan la ogeyn waxa ka dambeeyay balse ciidamada ayaa la sheegay inay iska dhigeen waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose, iyaga oo doonayay inay gudaha TV-ga galaan.

Kadib ciidamada ilaalada TV-ga ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana daqiiqado kooban dhexmartay israsaaseyn xoogan.

Shaqaalaha TV-ga ayaa sheegay in hal ruux laga dhaawacay kooxda weerarka qaaday, waxaana la qabtay dhamaan dadka weerarka qaaday oo la sheegay inay lix ruux ka koobnaayeen.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo u dhow xarunta TV-ga Universal ayaa la sheegay inau gurmad sameeyeen, taasi oo sahashay in la qabto dhamaan dadka weerarka soo qaaday oo aan la xaqiijin halka ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada booliska ayaa la sheegay inay doonayeen agaasimaha Universal ee magaalada Muqdisho, lamana sheegin waxyaabaha ay ka doonayeen.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com