Mahad Cawad: Xamar waa la wada leeyahay balse inta kale qabiilo ayaa kala leh

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya, Mahad Cawad ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa, hase yeeshee magaalooyinka kale ee dalka ay kala leeyihiin qabiilo.

“Soomaaliyey aan runta isu sheegno, Soomaali waxaa ka dhaxeeya kaliya calanka bulugga ah iyo Xamar, inta kale waxaa kala leh qoysas” ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlay kulan lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho.

“Lama kala sheegan karo Xamar iyo calanka, waxay muujinayaan ficil midow, waxa kaliya ee lagu midoobay waa labadaas” ayuu yiri Mahad Cawad, oo ay u sacaba tumeen qaar ka mid ah dadkii dhageysanayey.

Mahad Cawad ayaa sheegay in Muqdisho ay muujisay inaysan u kala duwaneyn qofka ka yimaada Baay ama Bakool ama Sanaad” ayuu sii raaciyey Mahad Cawad.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan Soomaalida oo idil ay isugu yimaadaan Muqdisho ay astaan u tahay in Soomaali isku soo noqotay, oo laga soo bogsanayo kala qob-qobkii.

Hoos ka daawo Mahad Cawad


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com