Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dadaallo xooggan oo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka maamulkaas, kuwaas oo ay ku jiraan mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xiisaddan ayaa maalmahan dambe cirka isku shareertay, kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira hoggaanka iyo jihada siyaasadeed ee maamulka, taas oo keentay in hadallo kulul iyo eedeymo is-daba joog ah ay is dhaafsadaan labada dhinac.
Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay billaabeen dadaallo lagu doonayo in xal waara looga gaaro arrintan, si looga hortago isku dhac toos ah iyo burbur maamul oo ka dhaca halkaas.
Waxay sheegeen in howsha si wanaagsan ugu bilaabatay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo horseedi kara is-afgarad siyaasadeed oo degan.
Waxgaradka ayaa sidoo kale shaaciyay in magaalada Baydhabo la isugu imaan doono maalmaha soo socda, si loo qabto shir ballaaran oo looga arrinsanayo khilaafka, iyagoo xusay inay rajeynayaan in shirkaasi uu noqdo mid miro-dhal ah.
Dhanka kale, waxaa hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqii ciidan ee la dareemayay maalmihii u dambeeyay, inkasta oo weli jirto cabsi laga qabo in xaaladdu mar kasta isbeddeli karto, maadaama ay sii socdaan weerarrada afka ah ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna wada kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka deegaan doorashadiisa ee Koonfur Galbeed.
Waxaa la filayaa in dadaallada haatan socda ay qayb ka noqdaan xal u helidda xiisadda culus ee ka taagan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

