Wararkii ugu dambeeyey Baydhaba iyo Aadan Madoobe oo odayaasha u xil saaray…

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Kulanka odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii kaalintooda odeynimada uga qaadan lahaayeen dib-u-heshiisiinta ka socota maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka, isaga oo ku tilmaamay mid mudo soo jirtay, odayaashana ay laf dhabar u yihiin is dhex-galka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.