Xasan oo digniin culus siiyey LAFTAGAREEN, siyaasiyiinta kalena ka diiday qorshahooda

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ayaa ka digay hal arrin oo siyaasi dambe aan laga aqbali doonin.

Arrintaas ayaa ah in siyaasi dambe oo xukunka isku dhejiya aan Soomaaliya laga ogolaa doonin, isagoo Madaxweynaha talada haya ugu baaqay inuu doorasho aado oo dadkiisa uu dib ugu laabto.

“Ninka talada haayow qori meeshaan kuguma heyn karo, dadkaan raali ahaanshahooda ayaa mneeshaan kugu heyn karta, siyaasiyiinta waxaan leeyahay dadkiina fursad siiya, iyagaa xolanaaya kuwa fiican,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadkiisa uu cod u doonto, balse aan laga aqbali doonin caburin iyo in dadka loo cagajugleeyo oo safarka loo diido ama xabad lala dhaco.

“Beledkaan Baydhaba, dadka rabitaankooda iyo xoriyad u hadalkooda cid ka hor imaa karta ma jirto, hadalka iyo safarka lagama hor istaagi karo dadka, waxaa reeban nin qori wata oo xoog ku fulinaaya rabitaankiisa,” ayuu yiri.

Markii uu Madaxweynuhu yiri hadalkaan, waxaa hoolka oo dhan is qabsaday sacab iyo mashxarad aan horay u dhaceyn, taas oo muujineysa in caburin badan ay ka jirto Baydhaba iyo guud ahaan K/Galbeed, taas oo marar badan lagu eedeeyey maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu Baydhaba tegay la weydiiyey su’aal ah, “Madaxweyne markii aad mucaaradka aheyd, waxaa ka mid aheyd raggii hoggaaminaayey Badbaado Qaran, maanta maxaa nooga hor taagan tahay inaan sameysano ciidamo badbaado K/Galbeed ah?”

“Marka waan u sheegay oo waxaan iri, walaalkeeyow labo ayaan ku kala duwanahay, maalintaas anaga waxaan weynay cid nala hadasha, laba sano ayuu rabay ninkii joogay inuu xoog nagu marsiiyo, laakiin idinka maanta gogol ayaa idiin fidsan wadahadal ayaa la ogolaaday, marka hub iyo in la is dilo looma baahna ayaan ugu jawaabay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadka xuquuqdiisa uu ilaaliyo, halka siyaasiyiinta kalena uu ugu baaqay in dadka amnigooda ay masuuliyad iska saaraan oo fowdo aysan kicin.

“Maanta hormar badan ayaa iiga muuqda K/Galbeed, madaxtooyada aan Baydhaba ku arkay ee Laftgareen uu degan yahay, mid lamid ah Xamar nooguma taallo, Madaxtooyada JFS ee aan deganahay, sidaan uma qurxoona, wanaagaas dowladnimo ayuu ku yimid.”

“Hadda ka hor mar aan Baydhaba ugu imid madaxweyne Shariif Xasan, waxaan weynay meel aan ku harsano, markii aan la kulmeynay bulshada magaalada, balse meel kasta maanta waa dhisan tahay, taasna waa dowladnimada ee ilaashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.