Wararkii ugu dambeeyey Boosaaso iyo xal laga gaaray xiisaddii halkaas ka jirtay

Boosaaso (Caasimadda Online) – Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay madaxda shirkadda PDG iyo xukuumadda madaxweyne Dani.

Kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey isimada gobolka Bari la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda shirkadda PDG iyo saraakiishii hogaaminayey ciidamadii Carmo ka yimid ayaa ugu dambeyn is fahan laga gaaray xiisaddi ka taagneed Boosaaso maalmihii lasoo dhaafay.

Arrinta ugu weyn ee laysku afgartay ayaa ah in ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo ay dib u laabaan iyo sidoo kale in wada hadal lagu dhameeyo khliaafka sababay madaxda shirkadda iyo xukuumaddu ay is qabtaan, kadibna ciidamo u abaabulan qaab beeleed ay gudaha u galaan magaalada.

Sabtida maanta ayaa lagu wadaa in ciidamadii maalmo ka hor gudaha u galay magaalada Boosaaso ay dib ugu laabtaan deegaanka Carmo ee isla gobolka Bari.

Ciidamadaas oo isugu jira kuwo ka socda Daraawiish Puntland iyo maleeshiyo beeleed waxaa maanta Boosaaso ka raaci doona isimada dhaqanka gobolka Bari iyo masuuliyiin kale, si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo, iyadoo la sheegay in wixii markaas ka dambeeya loo fadhiisa doono xalka kama dambeysta ah ee arintaas.

Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com