Lix waxyaabood oo aadan ka aqoon taariikhda XASAN DAAHIR AWEYS (Daawo)

Xasan Daahir Aweys wuxuu dhashay sanadii 1935 waa siyaasi Soomaali ah oo caan ah kaasi oo ay Mareekanka ku dareen liiska argagaxisada sanadii 2001. Aweys wuxuu ahaa madaxa ugu sareeyay ee golasha maxaakiinta Islaamiga ka koobnaayeen 90-xubnood waxaana loo arkay inuu ahaa midka ugu xag jirsanaa ururka maxaakiinta Islaamiga ahaa  kaasi oo xukunk Shareecada wax ka dajiyay sidoo kalena toos ayay kaga amar qaadan jireen maleeshiyaadkii maamuli jireen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho June 2006.

Marka loo eego gudiga fulinta oo 8-xubnood ka koobnaayeen waxaa hogaamin jiray shiikha qunyur socodka ahaa Shariif Shiikh Axmed. Hadda ka hor BBC-da waxay dhahday “Weli ma caddo midka awooda badan Sharif iyo Aweys. Waxaana xusid mudan in Aweys hogaankii mddowga maxaakiina Islaamiga inuu iska casilay 28-kii December 2006 waana markii maamulka iyo xukunkii maxaakiinta Islaamiga uu soo idlaaday.

Taariikhda Xasan Daahir Aweys:

Markii dalka ka talineesay dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaa xusid mudan in Aweys uu ahaa Korneel ciidamada qaranka Soomaaliya ka tirsanaa wuxuuna ka qayb qaateen dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray  markaasna wuxuu ka mid noqday geesiyaashii dagaalka ka qayb qaateen ee kartidooda la bogaadiyay.

1994 ilaa 2002: Aweys iyo waayihiisii Al – Itihaad Al Islaamiya (AIAI):

Xasan Daahir Aweys wuxu qayb ka ahaa ururkii Al – Itihaad Al Islaamiya  (AIAI) ee inta badan la wareegay Soomaaliya kadib markii dowladdii dhexe bur burtay. Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1998 ururkan barta ay awooda ugu weyn ku lahaayeen waxay ahayd gobolka Gedo waxaana hogaamin jiray xaakimkii hore ee dowlada Soomaaliya Maxamed Haaji Yuusuf wuxuuna lahaa ciidan awood badan oo aan la loodin karin. Waxaana xusid mudan degmooyinka ugu caansan gobolka Gedo sida Luuq, Balad Haawo, Buurdhuubo waxaana dhacday Aweys markii dambe inuu Shabeelada Hoose iska soo dagay oo uu xarun ciidan ka sameestay kadib markii lagu murmay qilaaf ahaan cidda hogaamineyso Al Itixaad gaar ahaan degaanka Luuq maamulka laga sameeyay.

Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran