Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, waxaana xigtay madaafiic ay dhankooda ku jawaabeen ciidamad Itoobiya ee la weeraray.

Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in weerarka uu ahaa mid culus, isla-markaana inta uu socday ay soo wajahday cabsi aad u xoogan.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig kale oo ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay ku leeyihin dhanka Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, waxaana lasoo wariyey inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado socday.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weeraradan ay geysteen khasaare u badan dhaawac, walow illaa iyo aysan faah faahin saraakiisha ammaanka ee Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana ciidamada ammaanka ay weeraradaasi, kadib howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliiya ee ka imaanaya dhanka deegaanada maamulkaasi.