Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis oo guulo laga sheegtay

Catao (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo ururka Al-Shabaab ee deegaanka Caato ee gobalka Bakool.

Labada dhinac ayaa guullo waawayn ka sheegtay dagaalka. Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay ku dhawaad 170 Al-Shabaab ah ku dileen deegaanka Caato, kuwaasi oo ay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen 150 ka tirsan Liyuu Police, sidoo kalena ay ku qabsadeen maxaabiis iyo saanad ciidan.

Dagaalka ayaa ah mid culus, waxaana wararka ay sheegayaan in Al-Shabaab ay isticmaalayaan gaadiid dagaal oo ay horey uga qabsadeen ciidamada AMISOM.

Waxaa sidoo kale dagaalka ka qeyb-galay diyaaradah dagaalka Itoobiya, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ayaa galay asbuucii labaad, waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaagaan dalkaas.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay inay soo gabagabaysay dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-Shabaab ay galeen gobolka Afdheer.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay galaan kana dhex-dagaalamaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. 

Itoobiya ayaa shalay sheegatay inay dagaalka ku dileen saddex sarkaal oo sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaas oo kala ah; Fu’aad Shongole, Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Hase yeeshee kadib warkaas waxaa hadlay Abu Muscab oo guulo ka sheegtay dagaalka, taasi oo shaki gelineysa sax ahaanshaha warka Itoobiya.