Wasiirkii arrimaha gudaha Jubaland, Jeneraal Maxamed Darwiish oo geeriyooday

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta maamul gobaleedka Jubbaland General Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka oo u joogay arrimo caafimaad.

Geerida Wasiirka ayaa lagu xaqiijiyey war kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas oo lagu daabacay baraha bulshada.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid wasiirka isaga oo tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in wasiirka geeriyooday uu door muhiim ah kasoo qaatay dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Halkaa hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wakhtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joogay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku uu hada gacanta ku hayay dadaalo baaxad leh oo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo wasaaradiisu ay hormuud u ahayd.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo janadii fardowso isagoo samir iyo iimaan u rajeeyay dhammaan shacabka Jubaland, Ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.