Xarunta baarlamanka Ciraaq oo la qabsaday + Sawirro

Baghdad (Caasimada Online) – Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Moqtada Sadr ayaa maanta jebiyey xeendaabka aagga aadka loo ilaaliyo ee “Green Zone” waxayna qabsadeen xaruntii baarlamanka, taasi oo kasii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.

Waa markii labaad ee maalmo gudahood oo taageerayaasha Sadr ay xooga ku galaan xarumta sharci-dejinta, bilo kadib markii ay dhaceen doorashooyin ku guuldarreystay inay hoggaamiyaan dhismaha xukuumad.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Dibad-baxayaasha ayaa haatinayey calanka Ciraaq iyo sawirrada wadaadka, ayaga oo ku dhexjira xarunta baarlamanka.

Waxay xarunta galeen kadib markii kumanaan ka mid ah ay buuxiyeen buundo gasha aagga Green Zone ee magaalada Baghdad, kahor inta aanay boqolaal ka mid ah iska qaadin dhagxaan waa weyn oo lagu gooyey albaabada laga galo.

Ciidamada amniga ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ka riday aaggan oo xarun u ah safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda Ciraaq iyo baarlamanka.

Waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dibad-baxayaashii ku suugnaa buundada, kuwaas oo ay qaadeen banana-baxayaasha kale ee la socday. 

“Shacabka oo idil adiga ayey kula jiraan Sayyed Moqtada,” ayey ku qeylinayeen taageerayaasha. 

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee uu wajahayo dalka shidaalka hodanka ku ah ee Ciraaq.

Taageerayaasha ayaa xarunta ka baxay kadib markii ay haysteen muddo laba saac ah, balse waxay ku baxeen oo kaliya markii uu Moqtada Sadr uu sidaas u sheegay.