Xog: Xubnaha uu khilaafka xooggan ka taagan yahay ee magacaabista G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa weli ku howlan dhammeystirka liiska Golaha Wasiirada xukuumadiisa cusub oo muddo 10 maalmood oo dheeraad ah uu siiyay baarlamanka.

Maalmihii ugu danbeeyay ayuu Ra’iisal Wasaaraha kulamo is daba joog ah la yeelanayey qeybaha bulshada, isagoo kala hadlayey dhismaha xukuumadda, waxaase la ogyahay in kulamadaas aan lagu soo qaadin awood qeybsiga iyo xulista wasiirada oo shirarka muhiimka ah ay dhacaan habeenadii, ayna u dhaxeeyaan madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoonnada labada aqal ee baarlamanka.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in xilalka la isku hayo ay ugu horeeyaan laba jago wasiir oo ay kala leeyihiin jufooyin kasoo kala jeeda beelaha ay metelaan guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacadde.

Xilka Wasiir ee Beelaha uu metelo Sheekh Aadan Madoobe waxaa ku heysta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala wataan laba shaqsi, arrintan oo weli laga heshiin, isla markaana keentay in Sheekh Aadan Madoobe culeys ku noqdo rabitaanka Xasan Sheekh.

Xilka wasiir ee beesha uu kasoo jeedo Cabdullaahi Timacadde ayaa isna la isku hayaa cidda la siinayo, waxaana laba shaqsi oo kala duwan kala wata ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Timacadde ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad diidan qofka uu ra’iisul wasaare Xamza u arko midka ugu manaasabsan ee la siin karo kursigaas.

Aqalka sare aad muhiim uguma ahan xukuumadda maadaama uusan ansixin iyo ridid midna saameyn karin, taasu oo yareyneysa awoodda Timacadde, waxaana sahlan in rabitaankiisa meel la iska dhigo.

Marka laga soo tago labadan xil wasaaradeed ee khilaafka ugu weyn ka jiro, waxaa kaloo jira xilal ka badan 10 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo aan go’aan kama danbeys laga gaarin qofkii kusoo bixi lahaa oo laba ilaa saddex qof u sharxan yihiin, kuwaas oo go’aan ka gaaristooda aysan adkeyn.

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada cusub lagu dhawaaqo maalmaha soo socda iyadoo 10-ka berri ee ra’iisal wasaare Xamza loo kordhiyey mudadda magacaabista ay ku eg tahay 5-ta August. 

Xigasho: Goobjooge