Qorshaha ka dambeeya mushaarka loo kordhiyay ciidanka iyo shaqaalaha NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa kordhisay mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ee hay’adda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hey’adaas oo lagu faafiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Hannaanka mushaar kordhinta ee hay’adda NISA waxaa la waafajiyey, sida qoraalka lagu sheegay, kala sareynta darajada, tirada mushaaraadkii hore ee qof walba iyo cabirka aqoonta.

Waxay tallaabadaan imaneysaa laba bilood kadib markii Mahad Maxamed Salaad loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka.

Sida wararku sheegayaan, labadii bilood ee lasoo dhaafay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA wuxuu jaray lacag kumanaan kun oo dollar ah oo laga bixin jiray xisaabaadka hay’adda, taasi oo lasiin jiray dhinacyo siyaasadeed, saaxiibo iyo xubno madaxtooyada kusoo wareejisay hay’adda si loo hayo,

Lacagahaas la jaray iyo kab hay’adda sameysay ayaa la sheegay inuu sahlay mushaar kordhinta lagu dhawaaqay laba berri ka hor.

Ciidanka hubeysan ee NISA iyo shaqaalaha rayidka ah labaduba waa ka mushaar yaraayeen ciidanka iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya. Tan waxaa loo arkaa sababta uu Mahad Salaad u doortay dalacsiinta mushaarka.

Haddaba maxaa laga faa’idi doonaa mushaar kordhinta?

  1. Dardargelin shaqo

Mushaar kordhinta lagu dhawaaqay ee hay’adda NISA waxaa la aaminsan yahay inay sare u qaadi doonto heeganka howlaha cusub, hoggaansanaanta iyo horumarinta shaqada hay’adda oo ay howl-wadeenada ka qaadi doonaa  firfircooni dardar gelisa howlaha hey’adda.

  1. Hoos u dhaca laaluushka iyo musuq-maasuqa

NISA, gaar ahaan xabsiyada ay hay’adda maamusho, waxaa sanado badan ka jiray eedo la xiiray laaluush iyo wax is-daba marin lagula kaco maxaabiista.

Dhaqaale yariddu qeyb ayey ka aheyd arrimahaas. Isbadalka lagu sameeyey mushaaraadka hay’adda waxaa la aaminsan yahay inuu xal u noqon karo tixanaha wax isdabamarinta.

  1. Kalsoonida nidaamka cusub

Tallaabada loo qaaday kordhinta xaqsiinta ciidanka iyo shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa dad badan qabaan, inay dhalineyso rajo cusub oo ku wajahan nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Hay’adaha kale ee dowladda inay qaadaan tallaabooyin noocaan ah, ayaa la aaminsan yahay, inay sii xoojin karto kalsoonida lagu qabi karo dowladda cusub.

  1. Mahad Maxamed Salaad

Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku af bilowday dhacdo loo wada riyaaqay. Mushaaar kordhinta uu sameeyey waxay dad badan qabaan inay u sahli doonto wada-shaqeyn mug leh iyo inay dhabaha u xaarto inuu ku guuleysto mashruuciisa NISA.