Daawo: Deni oo soo saaray digniin ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dagaallada ka socda xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah markii la eego dhanka ammaanka, isagoo si adag ula dardaarmay dadka reer Puntland.

“Dalku wuxuu ku socdaa xaalad mudan in si dhow loola socdo oo dhanka amniga ah, dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, waa inay feejignaan amni muujiyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waa wax cusub oo midnimo looga badbaadi karo, waxaan ugu baaqayaa dadka reer Puntland in dowladnimadooda ay difaacdaan oo cadowga iska dhiciyaan, muujiya feejignaan amni, lana shaqeeya hey’adaha amniga.”

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa dadka reer Puntland u sheegay in dowladnimadu aysan ku koobneyn masuulka hoggaaminaya, balse ay tahay wax waaraya oo la wada leeyahay.

“Soomaaliya mar ayey dowladi ka burburtay 1991-kii, hadda waxaa socda dhisme dowladeed oo runtii meel fiican maraya, waxaan Alle ka baryaa in dib dambe aysan nooga burburin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Saciid Deni ayaa si gaar ah ula hadlay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in aysan isku xirin dantooda iyo tan guud.

“Waxaa la rabaa dowladnimadu inay noqoto wax dadku wada leeyahay, qofkii dan gaara wata waa inuu meelo kale ka raadsado, marka bulsho u shaqeyntu waa inay noqoto aas-aaska nidaamkeena siyaasiga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo